Muqdisho – Xildhibaan Yoonis Shaare oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa xaalad murugo leh ka sheegay nolol adag oo uu kala kulmay safar caafimaad oo uu ku tagay dalka Hindiya, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Shabelle.
Xildhibaanka ayaa sheegay in markii uu u safray Hindiya uu rajaynayay in uu helo daryeel caafimaad iyo daaweyn uu baahi u qabay, balse uu halkaasi kala kulmay xaalad ka duwan tii uu filayay. Wuxuu xusay in laga qaaday dhammaan baasaboorradii uu watay – midka adeegga (service), kan dublomaasiyadeed ee dhacay, iyo kan shacab ee uu cusbaa.
“Ma helin daryeel caafimaad, halkii laga filayay in la i caawiyo waxaan la kulmay in la iga xiro albaabbada, waxaana la igu hayo qol aanan dhaqdhaqaaq ku lahayn,” ayuu yiri xildhibaanka oo muujiyay cabsi iyo walwal ku saabsan noloshiisa.
Xildhibaanku wuxuu eedeyn dusha uga tuuray shaqsiyaad uu sheegay inay si gaar ah uga dambeeyaan dhacdadan, inkastoo uusan si cad u magacaabin cidda ay yihiin.
Isagoo codsi u dirayay dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maamulka Galmudug, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayuu xildhibaanku sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo badbaadiyo.
“Waxaan ka codsanayaa dowladda, maamulka Galmudug iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si degdeg ah uga soo jawaabaan xaaladdan halista ah ee aan ku suganahay,” ayuu yiri Yoonis Shaare.
Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Hindiya ama dowladda federaalka ee ku saabsan xaaladda xildhibaankan.




