Senataro cusub oo lagu doortay gudaha magaalada Jowhar

0
Muuse Suudi
Muuse Suudi Yalaxow oo markan la hadlaya xubnaha aqalka sare

JOWHAR (SMN) – Xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa goor dhow soo gaba-gabeeyey codeynta doorashada kursi ka mid ah sideeda xubnood ee Aqalka Sare, kana imaanaya dowlad goboleedkaasi.

Kursigan oo ah kii koowaad ayaa waxaa ku tartamay Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xasan Cadow (Daaci), Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo Dr. Xasan Cadaay Cali.

Wareegii koowaad ee tartanka waxaa ku haray Dr. Xasan Cadaay Cali oo helay 2 cod oo kaliya, halka siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo isna helay 15 cod uu tanaasulay, waxaana sidaas wareega labaad ugu soo gudbay labada musharrax ee kala aha Axmed Daaci iyo Muuse Suudi.

Guddoomiyaha golaha wakiilada HirShabelle oo shaaciyey natiijada doorashada ee wareega labaad ayaa sheegay in kursigan uu markale ku soo baxay Muuse Suudi Yalaxow oo helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu isna helay 43 cod

Sidoo kale Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) ayaa noqday Senatorka labaad ee laga soo doortay HirShabeelle, waxuuna ku soo baxay 78-cod, halka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax ay noqotay Senatorka seddaxaad ee lagu doortay Jowhar, sidoo kale waa gabadhii u horeysay oo HirShabeelle ka soo gasha Aqalka Sare ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here