Muxuu Cali Yare ka yiri arrinta Taliye Saadaq Joon iyo amniga Muqdisho?

0

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid deggan, isla-markaana uu kormeer kusoo sameeyey qaar ka mid ah baraha koontaroolada ciidamada.

Mar wax laga weydiidyey talaabada uu qaaday Saadaq Joon ayaa waxa uu sheegay in uusan sameyn doonin ciidanka ammaanka, isl-amaraakana xil kii laga qaaday, isaga oo hambalyo u diray taliyaha cusub ee la magacaabay.

Caliy Yare ayaa sidoo kale carabka ku goday in dhaqan sanado hore laga tegay uu yahay falka uu sameeyey Saadaq Joon, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee uu haatan ku jiro dalka, iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay guul darro ku soo dhammaadeen wada-hadalladii doorashooyinka ee ka socday Teendhada Afisyooni.

Si kastaba baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu qaato doorkiisa, isla-markaana uu go’aan kasoo saarayo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here