Muxuu Mareykanka ka yiri doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh?

0

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay doorashadii uu kusoo baxay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana wasaaradda arrimaha dibada Maraykanku ay sheegtay inay rajeyneyso in ay si dhow ula shaqeyn doonto madaxweynaha iyo dowladda uu dhisi doono.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan ugana hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas’uuliyad amni ugala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya; samaynta dib-u-habayn dhaqaale si loo dhamaystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoojinta dhaqaalaha; iyo fududaynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee malaayiinta Soomaalida ah ee la ildaran abaarta ba’an.

Dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka, iyo wada-hadallada la xoojiyey ee ka dhexeeya dhammaan heerarka dawladda iyo dhammaan bulshooyinka ayaa muhiim u ah guusha dadaalladaas” ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka.

Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Hussien Brahim Taha ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ku celiyay in ururka OIC uu Soomaaliya ka taageeri doono ‘marxaladdan muhiimka ah’ iyo dadaalladeeda ku aadan amniga, iyo xasillonida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here