Muxuu ra’iisul wasaare Rooble ka yiri dagaalka lagula jiro Al-Shabaab?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

Rooble ayaa codaday in la taageero dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo dhinaca kale ka digay ‘in la siyaasadeeyo’ dagaalkan.

“Waxaan markale adkaynayaa in xilligaan adag aan muujino midnimo si aan Cadawga uga adkaano. Was in aan ka fogaanno in aan siyaasadayno dhiigga Geesiyaasha Qaranka kana dhawrsano ficil iyo qawl kasta oo niyad jab iyo kala qaybsanaan abuuri kara.” ayuu Rooble ku yiri bayaan kooban oo uu saaray.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la garab istaago ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

“Waxaan si buuxda u garab taaganahay Dedaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaankiisa sida ay uga go’an tahay in uu Dalka ka sifeeyo Cadawga na aafeeyay ee Khawaarijta ah.” ayuu raaciyay.

Inta badan gobollada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada haataan dib uga soo baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here