Taliyaha Xoogga dalka oo ka hadlay deegaanadii ay kasoo baxeen ciidamada

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Sheekh Muxuyidiin oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Taliyaha ayaa markii ugu horreysay soo hadal qaaday dib u gurashada ay saameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo kasoo baxay deegaano dhowr ah.

Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa sababta ku sheegay inay tahay arrin farsamo ama xeelad milatari, wuxuuna shaaciyay inuu ciidanka dib ugu laaban doono halkaasi.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dadka deegaanka oo uu ka dalbaday inay ka qayb qaataan howlgallada xoreynta ee haatan ka socda maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Soomaaliya ay ka socdaan howlgallo culus oo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here