Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dr. Mahadalle in uu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kaalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.