Nabad-sugidda oo howlgal dad lagu soo qab-qabtay ka sameysay Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidanka Nabad-sugidda maamul goboleedka Jubbaland oo howlgallo culus ka sameeyay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay darawallo isticmaalayay sharciyo gaadiid oo been abuur ah, kuwaas oo ka howlgalayay magaaladaasi.

 

Darawalladan ayaa waxaa loo soo bandhigay warbaahinta, waxaana kadib loo taxaabay xabsiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka Jubbaland, Maxamed Cabdi Salaad oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay tallaabada ay qaadeen, wuxuuna tilmaamay in dadka lasoo qabtay ay adeegsanayeen leesino been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay ilaalinta sharciga.

Jubbaland oo fadhigeedu KMG ah uu yahay Kismaayo ayaa maalmihii dambe qorshayaal ka waday magaaladaasi, kuwaas oo uu qayb ka yahay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here