MUQDISHO (SMN) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Xaad ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeyn dagaalkan oo uu ciidamada ku hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, si dalka oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la taageero ciidamada isbaheysanaya ee haatan howlgallada ka wada gobollada dhexe ee dalka
“Dagaalka Al-Shabaab waa inaan dhammaanteen daacad ka noqono oo dowladda lagu gacan siiyo” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.
Halkan hoose ka daawo:-