Wiil walaalkiis si arxan darro ah ugu dilay magaalada Beledweyne + Sababta

0

BELEDWEYNE (SMN) – FaaH-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii nin kamid ah dadka deegaanka uu walaalliis ka yaraa si arxan darro ah ugu dilay magaaladaas.

 

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Howlwadaag ee degmada Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Muuse Saxanjadiid, waxaana uu dilay walaalkiis oo isna lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in eedeysanaha uu dilka u adeegsaday bir, isaga oo canaanayay marxuumka.

Dhacdooyinkan argagaxa leh ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, waxaana ay ahayd shalay markii magaalada Muqdisho, hooyo ay ku dishay laba carruur ah oo ay dhashay, taas oo la sheegay inay qabtay xanuun dhanka dhimirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here