NISA oo faahfaahin ka bixisay weerar lagu laayay Al-Shabaab badan

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahin: Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Khawaarijtu ku leedahay Gobollada Dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

 

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.

Horjoogeyaasha Khawaarijta ah ee lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa;

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.

10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

Hawlgalkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here