Xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo booqday xarunta SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Arrimaha Gudaha iyo amniga ee Golaha shacbka ee BJFS , oo uu Hoggaaminayo Xogahayaha Guddiga Xilldhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe iyo Xubnaha kale ee guddigaan ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

 

Guddigaan oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyadda Hay’adda ,Sido kale Guddigu wuxuu u kuurgalay nidaamka ay u shaqeyso Hay’adda SoDMA Sida Xarunta Qaran ee Ka disgista Halis wadareedka “ National Multi-Hazard early warning Center ”.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa ugu warbixiyey Guddiga baaxada khasaaraha ka dhashay Fatahaadii El-nino ee saameysay dalka iyo Jawaabta Celinta ay ka bixisay Hay’adda iyado ka shaneysa Hay’adaha Caalamiga iyo wax qabadka hay’adda, sidoo kale Guddiga ayaa ka mahadceliyey soo dhaweeynta loo sameeyey iyo warbixinta loo soo bandhigay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here