Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay laba horjooge oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa ka kala dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee gobolka Shabelle hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay NISA.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgal dhacay 19-kii bishan, inta u dhaxeysa deegaanka Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib, lagu khaarijiyay Horjooge Cabdixamiid Cali Cabdullaahi Macalin, oo ahaa horjoogihii isku xirka Al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.
Sida ay sheegtay NISA, horjoogahan ayaa masuul ka ahaa soo gelinta hubka iyo maaddooyinka qaraxyada, isagoo door muhiim ah ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxdaasi ka geysan jirtay gudaha dalka.
Sidoo kale, howlgal kale oo dhacay 15-kii bishan kana dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay Horjooge Suleyman Cumar Fidow.
NISA ayaa sheegtay in horjoogahan uu lahaa magacyo kale oo ay ka mid ahaayeen Faruq, Maxamed Cabdullaahi iyo Cali Saciid, isla markaana uu ahaa horjoogihii naftood-haligeyaasha Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale sheegtay inuu hore u soo noqday horjoogaha dhinaca sirdoonka kooxda, isla markaana la diyaarinayay inuu beddelo madaxii qaraxyada iyo marin-habaabinta kooxda ee lagu naaneysi jiray Injineer Ismaaciil, kaas oo lagu dilay howlgal bishii December ee sanadkii hore.




