NISA oo sheegtay in howlgal ay ku dishay 33 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho  – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay in ka badan 33 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, iyadoo lagu dilay 15 xubnood isla goobtaas, laguna burburiyay xaruntii ay ku sugnaayeen.

Howlgallo kale oo xigay ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ku dhuumaaleysanayay isla deegaanka Guulane, waxaana lagu dilay in ka badan 18 xubnood oo kale. Sidoo kale, waxaa la gubay gaari Cabdi-bile ah oo ay kooxda u adeegsanaysay dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu yimid kadib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay in ilaa 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka, si loogu diyaariyo falal amniga lid ku ah.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here