Muqdisho – Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan adag kadib kulamo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay la lahaayeen qaar ka mid ah beelaha ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan muddo kordhin la sheegay in ay dowladda Federaalka ku dooneyso in ay ku sii haysato xafiiska muddo hal sano ah.
Mucaaradku ayaa si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan wax kasta oo lagu sii dheereynayo muddada xukuumadda hadda jirta, iyagoo ku adkeystay in dastuurka dalka uu si cad u qeexayo waqtiga xilka.
Xildhibaan Ga’ma Diiddo oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay in haddii la gaaro 16-ka May, Madaxweynaha uu noqon doono “madaxweynihii hore”, maadaama sida uu sheegay muddada dastuuriga ah ee lagu heshiiyey ay ku egtahay 15-ka May ee soo socota.




