Odayaasha Gobolka Awdal oo ka horyimid damaca gurracan ee Itoobiya

0

BOORAMA (SMN) – Salaadiinta,Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan ee  gobolka Awdal ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay heshiis ku sheega u la galay Muuse Bixii Itoobiya oo ay ku dooneysay Itoobiya in ay ku soo xadgudubto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Waxgaradka ayaa sheegay in ay maanta tahay maalinkii ay midoobi lahaayeen shacabka unna istaagi lahayeen si ay u difaacaan midnimadda iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

”Abiy Axmed waxaa leenahay xisaab qaldan ayaad isku dhufsatay,in aadan tariikhada hayn ayaan umalayneyna Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhexmartay qarniyo hore,Shacabka Soomaaliyeed ee Raas Kambooni,Raas caseyr iyo Lowya Cadde jooga waxaan ugu baaqaynaa haloo midoobo difaaca dhulka iyo badda Soomaaliya,maanta Soomaali loo sheegi maayo dagaal,waa wax aad looga xumaado in la yiraahado badda ayaa la Iibiyay,badda maah mid Iib noqon karta lamana Iibin karo,cid ubareeri karta arrintaasnaa ma jirto, dadka reer Awdal waa in ay kacaan,waxaad haystaan fursad,dhul iyo badda dadkii lahaa ay taag yihiin cid qaadan karta ma jirto waxaana ku tilmaami karnaa in ay riyootay Itoobiya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid heshiis beenaadka iyo damaca gurracan Abiy Axmed ee u ku doonayo xadgudubka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo taageero ay la garab istaageen Saaxiibadda Soomaaliya si looga hortago damaca qaawan ee Abiy iyo kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here