Howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Gal-hareeri

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo saaka ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ay ku qaadeen magaalada Gal-hareeri ee gobolka Galgaduud.

 

Howlgalkan oo sidoo kale ay barbar socotay duqeyb xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan yuusuf Al-Cadaala ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay xubno badan, sidoo kalena lagu burburiyay washad qaraxyada sameysa iyo xarun Idaacadeed.

“Gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Khawaarij badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu yiri Al-Cadaala.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here