Odayaasha reer Saylac oo ka horyimid heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

0

SAYLAC (SMN) – Odayaasha dhaqanka ee ku nool magaalada Saylac ee Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay in dekadda magaladaasi lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

 

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa diiday heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee todobaadkii hore lagu saxiixay magaalada caasimadda ag ee Addis Ababa.

Sidoo kale waxa ay farriin u direen shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaali weyn oo ay ugu baaqeen inay ka dhiidhiiyaan in badda Saylac ay gacan gasho Itoobiya, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid nasiib darro ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay heshiiskii ay wada gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, kaas oo Somaliland ku siisay ay Itoobiya 20 KM oo kamid ah baddeena.

Arrintan ayaa xadgudub ku ah madax banaanida Soomaaliya waxaana sidoo kale ka hortimid dowladda federaalka oo soo saartay go’aano ka dhan ah heshiiskaas oo sidoo kale la kulmay cambaareyn ka timid qaar ka mid ah dowladaha caalamka iyo ururada caalamiga ah, kuwaas oo garab istaag weyn u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here