Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Horay dowladda Turkiga ayaa u sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Öncü Keçeli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa yiri, “Waxa aanu ka walaacsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 1, 2024, iyada oo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalka uu faafiyey afhayeenka ayuu ku sii daray, “Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in ballan-qaadkani uu yahay mid ku jaan go’an sida shuruucda caalamiga ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here