Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ka furay Aqoon-is-weydaarsi
Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Xasan Isaaq (Wadani), ayaa magaalada Muqdisho ka furay Aqoon-is-weydaarsi (CCA Workshop) oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-dubaridka wax ka qabashada masiibooyinka iyo horumarinta nidaamyada ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-is-weydaarsiga, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA), ayaa lagu falanqeynayaa sidii loo...
Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada oo Muqdisho ka furay tababar
Muqdisho – Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar soconaya saddex maalmood, kaas oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka kala socda hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo daneeyayaasha dhaqaalaha isbeddelka cimilada.
Tababarka ayaa diiradda saaraya xoojinta awoodda qaranka ee helitaanka maalgelinta cimilada, fahamka habraacyada Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund...
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Sacuudiga kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha
Riyaad – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha...
NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjooge sare oo Tirsanaa Al-Shabaab
Saakow – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgal guul ku dhammaaday oo ka dhacay banaanka magaalada Saakow, gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah uga...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi sare oo ka socda Dowladda Jarmalka
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo qodobo kale oo dan-wadaag ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga uga...
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah, kana dooday wax-ka-beddelka Dastuurka
Muqdisho – Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane...
In Ka Badan 50 Muhaajiriin ah oo Ku Dhintay Laguna La’yahay Xeebaha Liibiya
Tripoli/Zuwara – Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa maanta oo Isniin ah xaqiijisay in ugu yaraan 53 qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah oo aad u yaryar, ay ku dhinteen ama lagu la’yahay badda, kaddib markii dooni caag ah oo ay saarnaayeen 55 qof ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya, Khamiistii la soo...
Soomaaliya oo Soo Dhoweysay Dib-u-Soo-Laabashada Suudaan ee Urur-Goboleedka IGAD
Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).
Soomaaliya waxay si gaar ah u adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah,...
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Bakool
Bakool – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Deegaanka Moorigaabey, oo ka tirsan Degmada Xuddur, xarunta Gobolka Bakool.
Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen, howlgalka oo ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhibaato ku hayay shacabka ku nool deegaanadaas.
Intii...
Soomaaliya iyo Jabuuti oo saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo tacliinta sare iyo cilmibaarista
Muqdisho – Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tacliinta sare iyo cilmibaarista.
Heshiiskan, oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, wuxuu ujeedadiisu tahay in la dhiso hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed iyo...













