Guddiyada doorashooyinka oo faah faahiyey habraacyada ay soo saareen
Afhayeenka Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay habraacyada ay soo saareen Guddiga Hirgalinta Doorashada Soomaaliya ee ku saabsan Golaha Shacabka.
Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal Safiina oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in habraaca uu ka hadlayo cidda ergada soo xuleyso oo ah madax dhaqameedka beesha, Golaha shacabku, shacabka ayaa iska leh, waa ergooyinka shacabka.
Mudane Axmed...
Arab League voices support for stability, development in Somalia
Arab League (AL) Secretary-General Ahmed Aboul-Gheit on Tuesday voiced full support for any steps that promote security and stability in Somalia.
In a statement, Aboul-Gheit hailed the positive results that have been recently accomplished for achieving national consensus as very important for running the delayed legislative elections.
He stressed that the AL supports all efforts for continuing the process until holding...
Egypt, Somalia discuss means of boosting ties, regional developments
Egypt’s Foreign Minister Sameh Shoukry discussed on Tuesday ways to boost relations with Somalia during a meeting with Somali Prime Minister Mohamed Roble, the Egyptian foreign ministry said.
In their meeting in Cairo, the two top officials also discussed the latest developments in the region, the ministry said in a statement.
Egypt was keen to back Somalia and offer different forms...
R/W Rooble oo booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abulqeyd.
Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka Jaamacadda Carabta isagoo ku soo wareejiyay qeybaha...
Guddoomiyihii maamulka deegaanka Garasbaaley oo qarax lagu dilay
Guddoomiyihii maamulka deegaanka Garasbaaley AUN Maxamed Abuukar Afrax ayuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax maanta lala beegsaday gaarigiisa.
Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen laamaha amaanka guddoomiyaha ayaa waxaa gaaray dhaawac halis ah sida laga arki karay gaarigiisa.
Qaraxa ayaa waxaa lagula eegtay waaxda Fooriloow oo ah inta dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley.
Bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii...
Aqriso: Habraaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya
Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta soo saaray habraaca doorashadda xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Halkan hoose ka aqriso:-
Soomaaliya Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban oday-dhaqamcedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.
2: Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista...
Duqa Muqdisho oo kormeer ku tegay xarumo dhowr ah + Sawirro
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta dhalashada iyo sugnaanta iyo xarunta taliska ciidanka ilaalada deegaanka ee dowlada hoose Xamar.
Kormeerkan oo ahaa mid kadis ah ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu u kuurgalaye howlaha kala duwan ee xarumahaasi ka socda iyo sida loogu qidmeynaayo bulshada, isagoo warbixino kala duwan...
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay
Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas
Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.
Munaasabadda gudbinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa...
Guddiga doorashooyinka oo baaq u diray madaxda maamul goboleedyada
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada kale ee aan wali soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay xil weyn iska saaraan kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dawlad sharci ku dhisan islamarkaana matasha doonitaanka shacabkeeda.
“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada...
Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay gobolka Hiiraan + khasaaraha
Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay fuliyeen dabley hubeysan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana lagu beegsaday dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay illaa 2 qof, halka...












