Midowga Yurub oo faah faahiyey weerar ay fuliyeen burcad-badeeda
Ciidanka la dagaalanka burcad-badeedka Midowga Yurub ayaa sheegay in weerar labaad oo lagu qaadey Markab ganacsi inuu ka dhacay bishan gudaheeda xeebaha dalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay howlgalka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay badbaadiyeen markabka MV Anatolia oo khatar ku galay biyaha Soomaaliya kadib markii burcad badeeda ay weerartay.
Doon ay saarnaayeen afar dabley ah ayaa isku...
Wararkii ugu dambeeyey kiisaska Covid-19 ee deegaanada Somaliland
Waxaa dhawaanahan Somaliland laga dareemayey sare u kaca kiisaska cusub ee cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyadoo horraan loogu dhawaaqay in wax kiisas cusub aysan ka jirin Somaliland.
Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in Somaliland ay ku jirto billowgi mowjaddii seddexaad ee cudurka.
Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa ka warbixiyey waxa keenay kororka kiisaska Karoona, isagoo bulshada ugu...
AMISOM oo shir ka yeelatay dardar-gelinta howl-gallada Soomaaliya
Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.
Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.
Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu...
Itoobiya oo war ka soo saartay colaadda Soomaalida iyo Canfarta
Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa bilowday dadaal ay ku joojineyso dagaalka maalmihii u dambeeyey Soomaalida iyo Canfarta ku dhexmarayey Galbeedka Gobolka Siti.
Xukumadda Addis Ababa ayaa labada dhinac ay dirirtu dhex mareyso ugu baaqday iney si degdeg ah xabadda u joojiyaan isla markaana miiska wadahadalkana isugu yimaaddaan.
Dagaalka maamlmihi la soo dhaafayna waxaa ku dhintay dad boqol kor u dhaafaya, iyo...
Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Puntland & dowlad deegaanka?
Maamulka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shir ay yeesheen waxay heshiis kaga gaareen arrimaha amniga iyo ganacsiga, sida lagu sheegay war murtiyeed kasoo baxay shirkaas oo ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa la isla gartay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee amniga lidka ku...
Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka magaalada Beledweyne
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo deegaan u dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.
Xiisadan ayaa waxa ay salka ku heysaa weerar gaadmo ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka magaaladaasi.
Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu...
Maxkamadda Mudug oo xakun ku ridday nin dil ka geystay gobolkaasi
Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa soo gaban-gabeysay fadhiyo dhowr ah oo ay ku dhageysatey dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cabdikariin Muxyadiin Cali oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eedeeyay dil xili habeen ah 06/10/2020 loogu geystay deegaanka saddax-Higlo oo Gaalkacyo hoostaga Alle ha u naxariistee Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale.
Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug...
Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Ku Meel Gaarka ah ee Jubbaland kadib safar shaqo oo uu maalmahii lasoo dhaafay ku joogay Magaalada Muqdisho.
Madaxweenaha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran ugu soo daweeyay odayaasha cuqaasha iyo qeebaha Kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada...
Uganda says foils attack on ‘Lion of Mogadishu’s funeral
Uganda said Friday it had foiled a suicide bomb attack against the state funeral of a top police and army commander who led a major African Union offensive against Al-Shabaab militants in Somalia.
Security forces said they had arrested a man on Thursday in the northern town of Pader on the eve of the funeral for Major General Paul Lokech,...
Saraakiil ka mid ah HirShabelle oo qaatay tababar la xiriira sharciyda
Konton iyo lix sarkaal oo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa qaatay tababar socday muddo shan maalmood ah,kaas oo ku saabsanaa ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta,gaar ahaan xilliyada Doorashada.
Saraakiishaan oo sidoo kale qaatay daruus la xiriirtay maareynta nidaamka dadweynaha,waxa laga soo kala xulay saldhigyada kala duwan ee Boliiska magaalada Jowhar, waxaana ciidamadaasi ku jiray 15 sarkaal oo haween...












