Madaxweybe Farmaajo oo la kulmay wakiilada beesha caalamka
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...
Duqa Muqdisho oo la kulmay Midowga Dugsiyada Waxbarashada G/Banaadir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Xubno ka socday Midowga Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Kulankan dhex maray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Midowga Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir, ayaa loga hadalay sara u qaadida tayada Waxbarasho ee dalka...
Wasiir Xundubey oo si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee Muqdisho
Wasiirka Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xasan Xundubeey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn dagaal sokeeye oo ka dhaca dalka, kaasi oo shacabka u horseeda burbur iyo barakac hor leh.
Wasiirka ayaa xusay In aysan jirin qorshe dagaal oo dowladda ay dooneyso in ay ku qaado cid...
Warta Nabadda & Howlwadaag oo ku baratamay tartanka Shabelle
Degmooyinka Warta Nabadda iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
Labada degmo oo ku wada jira group-ka C ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Howlwadaag...
Madaxweyne Biixi oo war kasoo saarat colaadka ka taagan gobolka Sool
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool.
Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan...
Faah faahino ka soo baxaya dilka guddoomiyihii Xamarjajab
Guddoomiyihii Degmadda Xamarjajab, Maxamed Cabdi Xayle ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah, xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.
Afhayeenka ciidanka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta dilka Gudoomiyaha, waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.
Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi...
Daawo: Wareysiga madaxweynaha JF Soomaaliya uu siiyey Shabelle
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wareysi gaar ah oo soconayey saacad ka badan siiyey telefishinka caalamiga ah ee Shabelle, isaga oo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Wareysigan oo dhinacyo badan taabanayey ayaa madaxweynaha waxa uu kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale fashilka ku yimid wada-hadalladii...
Maamulka Gaalkacyo oo raashin u qeybiyay qoysas qaba baahiyo gaar ah
Deeqdaan oo loogu tala galay in ay afur ka dhigtaan ayaa waxaa maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug uu maanta gaarsiiyay ilaa 70 qoys oo ka mida dadka qaba baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu liita ee ku nool magaalada gaalkacyo.
Deeqdaan oo lagu qeybiyay xarunta Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa intii ay socatay...
Puntland oo baaq nabadeed kasoo saartay colaadka ka taagan gobolka Sool
Maamulka Puntland ayaa baaq nabadeed ka soo saaray, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan.
Waa kuma Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya?
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana la badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo bishii July, 2018 oo madaxweynihii hore, Donald Trump u soo magacaabay.
Safiirka cusub, wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti. Larry Edward André, Jr ayaa Jabuuti loo diray horraantii sannadkii 2017-kii.













