Uganda Oo Ku Dhawaaqday Inay Ciidamadeeda Kala Baxayso Soomaaliya
Muqdisho – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ciidamadeeda uga baxeyso Soomaaliya, kadib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb ka ahayd howlgalada nabad ilaalinta, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jen. Muhoozi, ayaa bartiisa X ku sheegay in howlgalka milatari ee Uganda ee Soomaaliya uu si rasmi...
Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta IGAD oo ka Qaybgalay Dood Heer Sare ah oo Lagu Falanqeeyay Amniga Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas
Djibouti – Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta Ururka IGAD, Mudane Maxamed Cabdi Ware, ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo ay soo qabanqaabisay Machadka Sare ee Daraasaadka Difaaca Qaranka ee Djibouti.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbeddelada amni ee ka socda Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan isku dhacyada siyaasadeed iyo juqraafi ahaan ee gobolka. Waxa...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uga Mahadceliyay Türkiye Taageerada Amniga iyo La-dagaallanka Al-Shabaab.
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Arrintan ayaa timid kaddib kulan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, magaalada Muqdisho kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Dowladda Türkiye.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa...
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Wafdi ka Socda Turkiga kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca
Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Danjire Ali Onaner, Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo wafdiga Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarka,...
Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Saalax Al-Muwalad.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo Danjiraha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo...
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Daah-furay Qorshaha Ka-Jawaabista Xaaladaha Bani’aadannimo ee HNRP 2026
Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Ka-Jawaabista Xaaladaha Bani’aadannimo ee 2026 (HNRP 2026), kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Gargaarka (OCHA) iyo bah-wadaagta gargaarka bani’aadannimo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in...
Hormuud Salaam Foundation honours Italian doctors for life-saving heart surgeries
MOGADISHU, Somalia — Somalia’s Hormuud Salaam Foundation on Sunday honoured an Italian medical team and diplomats for helping arrange life-saving heart surgeries for 24 Somali children treated in Italy, organisers said.
The appreciation ceremony in Mogadishu marked the completion of a humanitarian mission that transferred the children to Niguarda Hospital in Milan, in Italy’s Lombardy region, for specialised paediatric cardiac...
Somalia, Türkiye discuss deepening defence ties
MOGADISHU, Somalia — Somalia’s Minister of Defence Ahmed Moallim Fiqi met a Turkish delegation led by Ambassador Ali Onaner, Director General of the Africa Department at Türkiye’s Ministry of Foreign Affairs, to discuss strengthening bilateral cooperation.
The talks focused on enhancing defence collaboration and military development, underscoring the long-standing security partnership between Mogadishu and Ankara.
The meeting was attended by the...
Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kulan la qaatay Wakiilka Mareykanka ee Muqdisho
Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Danjire Justin Davis, Wakiilka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay horumarradii dhawaan la sameeyey iyo iskaashiga la xiriira maareynta socdaalka iyo amniga xuduudaha.
Mudane Mustafa Duhulow ayaa xusay in nidaamka PISCES uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta maamulka socdaalka iyo...
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo beddelaya xaruntii hore ee la dhisay 1980. Dhismahan casriga ah ayaa loogu talagalay in uu daboolo baahiyaha shaqo ee wasaaradda, isla markaana fududeeyo howlaha maaliyadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tallaabadani...












