Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madax ka tirsan dowladda UK

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi aha ayaa waxaa looga hadlay  sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Bayle oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankan, wuxuuna u mahadceliyey dowladda UK oo garab istaag u muujisay dowladda federaalka.

“Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah #Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas #Philip_Parham. Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here