Garoowe, Puntland — Ciidamada Badda Dowladda Puntland ayaa bilaabay hawlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga badda iyo magaalooyinka xeebaha ah ee Puntland, iyadoo diiradda lagu saarayo la-dagaallanka kooxaha burcad-badeedda, hubka sharci-darrada ah iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca xeebaha.
Hawlgalkan oo ay wadaan cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa lagu sheegay inuu yahay tallaabo looga jawaabayo dhaqdhaqaaqyada kooxaha burcad-badeedda ee isku dayaya inay afduubtaan ama qafaashaan maraakiibta ku socda marin-biyoodka caalamiga ah.
Wararka laga helayo saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ayaa tilmaamaya in hawlgallada si qorsheysan loo fulinayo, iyadoo ciidamadu ay sameynayaan roondo iyo dabagal joogto ah oo laga sameynayo xeebaha Puntland iyo meelaha ay kooxaha burcad-badeeddu ku dhuumaaleysan karaan.
Ciidamada Badda Puntland ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay baacsanayaan kooxo dabley ah oo lala xiriirinayo falal burcad-badeednimo iyo afduubka maraakiibta, iyadoo la xoojinayo dhaqdhaqaaqyada lagu sugayo amniga xeebaha.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ay sheegtay inay ku xaqiijinayso amniga ganacsiga badda, badqabka maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala marin-biyoodka muhiimka ah iyo ka hortagga kooxaha burcad-badeedda ee halista ku ah amniga iyo isu-socodka maraakiibta.
Ciidamada Puntland ayaa muujiyey diyaar-garow ay kaga hortagayaan khataraha liddi ku ah xasilloonida badaha iyo amniga xeebaha, iyadoo hawlgallada lagu sheegay inay ka socdaan meelo kala duwan oo ka tirsan deegaannada xeebaha Puntland.




