Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge iyo saddex maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka horjooge kale lagu dhaawacay.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay NISA, howlgalka ayaa dhacay xilli xubnaha la beegsaday ay kasoo baxeen kulan ku qabsoomay deegaanka Guulane.
NISA ayaa sheegtay in afarta xubnood ee la dilay ay kala ahaayeen Cumar Siyaad Caraaye, oo ahaa horjoogaha Al-Shabaab u qaabilsanaa mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Shabeellaha Dhexe, laba maleeshiyaad ah oo waday mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo dhagar-qabe kale oo ilaalo u ahaa.
Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in howlgalka lagu dhaawacay Cabdi Maxamed Nuur, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca qabaa’ilka. Hay’addu waxay intaas ku dartay in bartilmaameedyada uu howlgalkaasi beegsaday ay si dirqi ah uga badbaadeen Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha la beegsaday.
NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo horjoogeyaasha iyo shabakadaha Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.




