GAROOWE – Puntland ayaa sheegtay inay heegan gelisay ciidamadeeda, iyadoo ka digtay safar la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
War-saxaafadeed ay Puntland soo saartay ayay ku sheegtay inay si dhow ula socoto abaabul ay ku tilmaantay qorsheyaal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado dhanka Puntland, iyadoo si gaar ah uga digtay qorshe la sheegay inuu Madaxweynaha ku tagayo koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, halkaas oo ay sheegtay inuu ka abaabulayo colaad iyo fidno ka dhalata magaalada iyo labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Puntland ayaa sidoo kale maamulka iyo shacabka Galmudug, gaar ahaan kuwa koonfurta Gaalkacyo, ugu baaqday inay ka hortagaan waxa ay ku tilmaantay isku-dayada Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo sheegtay in tallaabooyinkaas ay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Dowladda Puntland waxay sheegtay inay heegan buuxa gelisay Ciidamada Difaaca Puntland, iyadoo dadweynaha ugu warrantay inay u diyaar garoobaan tallaabooyin ay dowladdu qaaddo oo lagu adkeynayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada hoos yimaada.
Xiisadda ka taagan Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu muddo sanado ah ahaa mid xasaasi ah, waxaana toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka.
Puntland ayaa horey Dowladda Federaalka ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha iyo inay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waddo Gaalkacyo, halka Dowladda Federaalka aysan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha cusub ee Puntland.
Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Garoowe iyo Muqdisho uu mar kale isu beddelo xiisad amni, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ay wadaagaan Puntland iyo Galmudug.



