YEMAN – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Yemen ay wajahayo khatartii ugu sarreysay ee dib ugu laabashada dagaal baahsan tan iyo xabbad-joojintii ay hay’addu dhex-dhexaadisay sannadkii 2022.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in dhaqdhaqaaqa milatari uu sii xoogeysanayo, isla markaana uu ku fidayo jiidaha hore ee dalka. Wuxuu sheegay in weerarro ay Xuutiyiintu ka fuliyeen gobollada Marib, Hadramawt iyo Mocha, iyo meelo kale, ay sababeen khasaare soo gaaray ciidamo iyo dad rayid ah.
Grundberg ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay weerarrada iyo hanjabaadaha Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo sheegay in arrintani kordhin karto halista in Yemen ay ku dhex milanto colaadaha gobolka.
Wuxuu dhinacyada ku lugta leh colaadda ugu baaqay inay si degdeg ah u dejiyaan xiisadda, joojiyaan weerarrada iyo hanjabaadaha ka dhanka ah maraakiibta iyo weerarrada xuduudaha ka gudba, isla markaana dib loogu laabto wadahadallada siyaasadeed iyo xabbad-joojin waarta.
Dhinaca kale, xaaladda bani’aadamnimo ee Yemen ayaa sii xumaanaysa. Madaxa arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa sheegay in in ka badan kala bar dadka Yemen ay wajahaan cunto-yari ba’an, halka ku dhowaad 6 milyan oo qof ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo dhinaca cuntada ah, taas oo aad ugu dhow heerka macaluusha.
Labada mas’uul waxay sidoo kale ku baaqeen in la sii daayo 73 shaqaale oo Qaramada Midoobay ah oo ay Xuutiyiintu xireen, iyo shaqaale kale oo ka tirsan hay’adaha gargaarka, bulshada rayidka ah iyo hawlgallada diblomaasiyadeed.
Yemen ayaa colaadda ku jirtay tan iyo markii Xuutiyiintu ay la wareegeen caasimadda Sanca sannadkii 2014, taasoo sababtay faragelin militari oo uu Sacuudigu hoggaaminayay sannadkii 2015. Inkastoo xabbad-joojintii 2022 ay si weyn u yareysay dagaalladii, haddana dadaalladii lagu doonayay in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo waara ayaa hakad galay, iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.
Qaramada Midoobay waxay hadda ka cabsi qabtaa in sii xoogeysiga colaadaha gudaha Yemen iyo isku xirnaanshaha xiisadaha gobolka ay dalka dib ugu riixi karaan dagaal ballaaran oo saameyn ku yeesha shacabka iyo ganacsiga maraakiibta ee Badda Cas.



