Puntland oo heshiis la gashay dowladda Itoobiya

0

GAROOWE (SMN) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya, Ambassador Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohammed Farah Mohammed.

 

Wadahadalkooda, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso in ay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale fariin hambalyo ah u diray dowladda Puntland sida wanaagsan ee ay u qabsoontay doorashadii dhawaan dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here