Puntland oo ku biirtay dagaallada ka socda deegaanada Galmudug

0

Puntland ayaa Galmudug u dirtay ciidan leh istaraatajiyad dagaal, kuwaas oo ka hawlgeli doono qeybo kamid ah Mudug oo todobaadyadii u dambeeyey kolba dhinac la riixayey, sida uu BBC-da u sheegay Gudoomiyaha Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in isbahaysigan cusub uu marka dambe horseedi doono in laga heshiiyo arrimo badan oo ay kamid tahay siyaasadda.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sidoo kale qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in saraakiisha Puntland ay si hordhac ah kusoo gaartay Jiidda hore ee dagaalka.

“Tallaabo kale oo taariikhda baal-dahab ah ka geli doonta oo mudan bogaadin iyo mahadcelin soona xiri doonta kala qoqobkii iyo colaadihii gacan ku samayska ahaa ee ka dhexeyn jirey dadka walaalaha derska ah ee Puntland iyo Galmudug.” Ayuu ku yiri bartiisa Facebook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here