Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare

0

Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Hir-Sbabeelle ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan Magaalada Jowhar kula qaateen Guddiga Baarlamaaniga ah ee qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Kulanka oo uu guddoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdi xakiin Luqmaan Xaaj Muxumed ayaa gogol xaar waxaa uu u ahaa wadashaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka ee labada Guddi.

Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka HirShabeelle ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho maadaama dhawaan ay billaabanayaan howlaha doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada Guddi ay isla qaateen in siwadajir is ogol ah looga wadashaqeeyo doorashooyinka soo socda, isla markaana doorashada loo qabto si xor  iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here