PUNTLAND oo qaadacday shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh

0

GAROOWE (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ka qayb-geli doonin shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud ee Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho 20 illaa 21-ka bishan April.

 

Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta maamulkaasi, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay jebisay shuruucdii heshiiska lagu wada ahaa, ayna ka baxday xeyndaabkii dowladnimada, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma jirto dowlad rasmi ah oo aan aqoonsannahay oo ka jirta dalka” ayuu wasiirka ku yiri wareysiga ay ka qaadday warbaahinta Shabelle.

Shirka ay iska diiday Puntland ee ay Villa Soomaaliya iclaamisay ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka dalka, ammaanka iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhammeystiran:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here