Sawirro: Agaasime Guuleed Cabdijaliil oo shir uga qayb-galay Washington

0

WASHINGTON (SMN) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil ayaa magaalada Washington DC, ee Cariga Mareykanka kaga qeyb galey Shirka  Madasha 7-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Sannadlaha ah (AHFF7).

 

Bangiga Adduunka, USAID iyo Global Financing Facility (GFF), ayaa martigeliyey Madasha 7-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Sannadlaha ah (AHFF7), iyadoo ay madasha dhinac socotay shirarka gu’ga ee Bangiga Adduunka/IMF 2024. AHFF ee sanadkan taasoo sahmin doonta wadooyin cusub ee mudnaansiinta Caafimaadka, kharashaadka Dowladaha, kordhinta maalgelinta Dowladaha ee barnaamijyada Caafimaadka muhiimka ah, iyo kor u qaadida saamaynta Kaalmada Horumarineed ee maalgashiga Caafimaadka.

Madasha todobaad ee maalgelinta Caafimaadka oo aheyd mid ballaaran waxaa kasoo qeybgaley madaxda Caalamka, Wasiirada Caafimaadka aduunka, Hey’adaha Caalamiga ah, Khubaro ka kala yimid dunida, Deeq bixiyaasha Caalamka, daneeyayaasha Caafimaadka iyo marti sharad kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ka sheegey in xiligan muhiim ay tahay ka wadahadalka horumarinta Caafimaadka waxa uuna si gaar ah u xusey muhiimadda ay leedahay mideynta dhaqaalaha Caafimaadka gaar ahaan Soomaaliya taasoo qeyb wayn ka qaadaneyso hagaajijta iyo horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegey in Caafimaadka Soomaaliya soo hagaagayo sanad kasta waxa uuna sheegey in ay tahay dadaal dheeraad ah oo lagu bixinayo Caafimaadka Soomaaliya maadaama dalkeenu kasoo ka banayey dhibaatooyin badan oo horey usoo gaarey, dhinaca kale agaasimaha waxa uu bogaadiyey sida dunida u fahmeyso waqtigan casriga ah in muhiimad la siiyo Caafimaadka bulshooyinka aduunka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelk bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Waxaa ka go’an hagaajinta iyo horumarinta Caafimaadka dalkeena si bulshadeenu ugu noolaato Caafimaad tayeysan iyo nolal Caafimaad qabta taasoo qeyb ka ah dedaalada hadda socda ee ay hormuudka ka yihiin hogaanka sare ee Wasaaradda Caafimaadka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here