Puntland oo shirarka siyaasadeed ka mamnuucday magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in Garoowe aan lagu qaban karin shir aysan ogeyn madaxda sare ee Puntland, ciddii qabataana ay ka qaadi doonan tallaabo adag.

 

Cabdiraxman Xaaji Abshir ayaa sheegay in siyaasiin ka kala yimid daafaha Puntland xilligan ay qorshanayaan in ay shirar ku qabsadaan Garoowe iyada oo uusan ogeyn maamulka gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in siyaasiyiinta ay wada-hadal yeelan karaan, balse waxa uu faray in iska war qab ay ku fadhiistsan.

Sidoo kale wuuxuu ka codsaday dhammaan shacabka Puntland iyo siyaasiinta in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan amniga gobolka iyo kan Puntland.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ku sugan inta badan hoggaanka mucaaradka maamulkaasi, kuwaas oo dhawaan sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan laga qaban karin deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here