Puntland oo garab istaag u muujisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

0

GAROOWE (SMN) – Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha, ayna ka qeyb-galayaan.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo horay uga bilaabatay dalka.

Si kastaba, Puntland ayaa u muuqato inay taageero u muujineyso ra’iisul wasaaraha oo ay haatan is-hayaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Halkan hoose ka aqriso:-

Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here