Puntland oo boggaadisay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaare Rooble

0

MUQDISHO (SMN) – Puntland ayaa si weyn u soo dhoweysay tallaabada uu ra’iisul wasaaraha dib ugu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo go’naa saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Halkan hoose ka aqriso:

Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka.

Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here