Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dib uga billowday Hotel Decale

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo ah mid xasaasi ahaa ayaa caawa la sii amba qaaday, waxaana guddoominayo Ra’iisul wasaare Rooble, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Wararka ayaa sheegaya in weli ay dood adag ka taagan tahay arrinta amniga oo ah qodobka ugu culus arrimaha haatan laga wada-hadlayo.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:- 

Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble oo caawa loo ballansanaa in la sii ambaqaado ayaa ka socda hotelka Decale halkaas oo ay xaadir kuwada yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxii horumar ah ee ka soo kordha shirka inshallah waan idinla socodsiin.doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here