Puntland oo toddobaadyo gudahood ku soo furtay markab ay afduubteen burcad-badeed

0

BOOSAASO – Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xeebaha deegaanka Dharin-baar ee degmada Bandar-beyla, halkaas oo ay ku soo badbaadiyeen markabka MT HONOUR 25, oo ay kooxo burcad-badeed ahi afduub u haysteen.

 

Ciidamada PMPF ayaa howlgalka ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan markabka oo ku safrayay calanka dalka Palau, waxaana sidoo kale la qabtay dhammaan burcad-badeedii lagu eedeeyay inay afduubka ka dambeeyeen.

Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray howlgalka, ciidamada ayaa xaqiijiyay badqabka shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd, iyadoo aan la soo sheegin wax dhibaato ah oo soo gaartay shaqaalaha.

Markabka MT HONOUR 25 ayaa ahaa nooca maraakiibta qaada shidaalka, waxaana la sheegay inuu u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed. Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada PMPF ay ku sugayaan amniga xeebaha Puntland, gaar ahaan la dagaallanka falalka burcad-badeednimada iyo kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya maraakiibta iyo ganacsiga badda.

Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa sheegay inay mar walba heegan ugu jiraan sugidda amniga badda iyo berriga, ilaalinta xuduudaha Puntland iyo badbaadinta shacabka iyo hantidooda. Soo furista markabka MT HONOUR 25 ayaa kusoo aadaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay weli yihiin meel si dhow isha loogu hayo sababo la xiriira khatarta burcad-badeednimada, gaar ahaan maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here