Mareykanka oo Ka Digay Xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab iyo Khatarta Badda Cas

0

MUQDISHO – Soomaaliya: Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ka digay in xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya uu khatar dheeraad ah ku yahay xasilloonida gobolka iyo amniga ganacsiga badda.

 

Khubarada dhinaca amniga ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay hub ka iibiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay dagaalyahanno ka tirsan kooxda siiyeen tababarro ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), walxaha qarxa iyo xeeladaha dagaalka.

Ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Yemen, Tim Lenderking, ayaa sheegay in Washington ay walaac ka muujisay xiriirka u dhexeeya labada dhinac tan iyo sanadkii 2024-kii. Sidoo kale, Matt Bryden, oo ah khabiir hore oo Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyay arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ilaa 1,500 dagaalyahan oo Soomaali ah ay tababar ku qaateen xeryo ay Xuutiyiintu ku leeyihiin Yemen.

Khubarada amniga ayaa ka digaya in iskaashiga Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu ka gudbi karo Yemen iyo Soomaaliya, isla markaana uu ku fidi karo galbeedka Badweynta Hindiya. Walaaca ugu weyn ayaa ah in haddii xiriirka labada dhinac sii xoogaysto, ay kordhi karto khatarta ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah marinno muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.

Arrintan ayaa sidoo kale sare u qaadaysa walaaca laga qabo in hubka, tababarka iyo tiknoolajiyadda militari ee ay helaan kooxaha hubeysan ay saameyn ku yeeshaan amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here