Puntland oo xukuno adag ku ridday rag lagu eedeeyey Al-Shabaabnimo

0

GAALKACYO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa xukunO ku ridday dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar ka mid ah waxaa  lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddan ay intii u dhaxaysay 2017-kii illaa 2021-kii ay dilal badan ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukumanayaasha siisay racfaan 30 cisho ah, si ay u qabsadaan qareenno difaaca haddii aysan ku qanacsanayn xukunka lagu ridday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here