Qaban-qaabada doorashada Aqalka Sare oo ka socota magaalada Jowhar

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan qaban-qaabadii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ay ka socoto magaalada Jowhar ee maamulkaasi, taas oo xiiso gooni ah xambaarsan marka loo eegto tartanka socda.

Sida qorshaha uu yahay diiwan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ayaa ku eg gelinka dambe ee maanta, iyada oo beri musharixiintu ay sameynayaan hadal jeedintooda.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ciidamada booliska ay haatan ka wadaan magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle.

Doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa ah mid xamaasad leh, waxaana ku loolamaya kuraasta qaar siyaasiyiin caan ah oo saameyn ku leh arrimaha siyaasadda ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here