Wararkii ugu dambeeyey ee dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee haatan ka socda magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ee ugu sarreyso dalka ay kulmayaan maanta, si ay wada-hadallo toos ah uga yeeshaan khilaafka u dhexeeya ee ka jira Villa Soomaaliya.

Dadaalladan ayaa waxaa hormuud ka ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo dhowaan soo gaaray gudaha caasimadda.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ku jiro marxalad adag oo kala guur ah iyo doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here