Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA) ee Soomaaliya ayaa sheegay in colaadda ka socota magaalada Baydhabo ay sii xumaynayso xaaladda bani’aadannimo, isla markaana ay halis gelinayso badbaadada iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

 

Dagaalladii Baydhabo ka dhacay bilihii Agoosto iyo Sebtembar ayaa sababay amni-darro joogto ah, khataro dhanka badbaadada ah, barakac cusub iyo in ay adkaato helitaanka adeegyada aasaasiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, George Conway.

Conway ayaa sheegay in haweenka, carruurta, dadka da’da ah iyo dadka qaba naafonimada ay si gaar ah ugu nugul yihiin saameynta colaadda, maadaama ay wajahaan caqabado dheeraad ah oo la xiriira badbaadada, helitaanka gargaarka iyo xorriyadda isu-socodka.

Waxa uu sheegay in barakacyada soo noqnoqday ay wiiqayaan awoodda qoysaska ay ugu adkaysan karaan xaaladaha adag, gaar ahaan xilli Baydhabo ay horeyba ula tacaalaysay heerar sare oo muddo dheer jiray oo nafaqo-darro carruurta ah.

Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay mudnaanta siiyaan ilaalinta dadka rayidka ah, isla markaana ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

OCHA waxay sidoo kale ku baaqday in si degdeg ah oo dhexdhexaad ah loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaallada, iyadoo dalbatay in dadka rayidka ah loo oggolaado inay si ammaan ah u helaan gargaarka bani’aadannimo iyo adeegyada muhiimka ah.

George Conway ayaa xusay in dugsiyada iyo goobaha kale ee rayidka ah ay tahay in laga ilaaliyo saameynta colaadda. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in isbitaallada iyo xarumaha caafimaadku ay leeyihiin ilaalin gaar ah oo uu siinayo sharciga caalamiga ah.

Hay’adaha gargaarka bani’aadannimo ayaa sheegay inay sii wadi doonaan bixinta taageerada naf-badbaadinta ah, balse waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay xaqiijiyaan badbaadada shaqaalaha gargaarka iyo hantida bani’aadannimo.

Hay’adaha ayaa sidoo kale ku booriyay dhinacyada dagaallamaya inay fududeeyaan in dadka ay colaadaha saameeyeen ay helaan gargaar si ammaan ah, degdeg ah oo aan wax caqabad ah lagu sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here