Muqdisho, Soomaaliya – Qaramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda isla markaana dib ugu laabtaan wada-hadal.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in hay’addu ay si weyn uga walaacsan tahay dagaalkii ka bilowday Muqdisho, kaas oo sababay khasaare iyo walaac amni.
“UNTMIS waxay aad uga walaacsan tahay dagaalkii xalay ka bilowday Muqdisho, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyad leh, ayna joojiyaan colaadda, kana fogaadaan falal kasta oo halis gelin kara nolosha dadka rayidka ah, iyadoo dib loogu laabanayo wada-hadalka si loo dhowro danta dhammaan Soomaalida,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Hay’addu waxay sidoo kale xustay inay hore uga digtay, iyada iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, khatarta ka dhalan karta dib ugu noqoshada xaaladihii cakirnaa ee ka dhashay khilaafkii doorashooyinka sannadkii 2021-ka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in digniino badan oo la xiriiray halista sii kordheysa ee xiisadaha siyaasadeed hore loogu gudbiyay dhinacyada ay khuseyso, balse aan si buuxda loo tixgelin.
UNTMIS ayaa ugu dambeyn ku boorrisay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, dibna u bilaabaan wada-hadalladii siyaasadeed ee hakaday 15-kii May. Sidoo kale, saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa muujiyey diyaar-garowgooda ku aaddan fududeynta wada-hadallada lagu xallinayo khilaafaadka jira.
Bayaankan ayaa ku soo biiraya baaqyo hore uga soo baxay beesha caalamka, kuwaas oo dhammaantood ku baaqaya xabbad-joojin, is-xakamayn iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed.



