Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho + Bartilmaameedka

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah mgaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay halka loo yaqaano Xaawo Casir oo ka tirsan Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka bar koontarool oo ay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro ay ku leeyihiin halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamada ammaanka oo gebi ahaan hakiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka.

Qaraxan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here