Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarifyaraha, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo xiray gaari NOAH ah, isla-markaana uu qarxay xilli uu marayey halkaasi.

Ma cadda waxyeelada uu geystay qaraxan, balse xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here