Qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare gaystay oo barqadii maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay xaafadda Shaaciye ee degmadaasi, sida ay Shabelle u sheegeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 4 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qarxiyay halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa daganaa amniga caasimadda, waxaana howlgallo joogto ka waday ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hay’adda Nabad-Sugidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here