Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah askar ka tirsan ciidamada dowladda lagula eegtay gobolkaasi.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Buurane, xilli ay ciidamadaasi la socdeen mooto nooca Fekonta ah taas oo ay miinadu la kacday.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta, kuwaas oo meesha kasoo qaaday askarta ku waxyeelowday qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisay duleedka magaalada Jowhar, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xooganaa ee todobaadkii hore ay ku qaaday deegaanka Ceel Baraf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here