Sawirro: Duqa Muqdisho oo farriin culus u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay lagu qabtay xafladda xuska 15-ka May oo sanad kasta loo dabaal dego asaaskii ururkii SYL ee xornimo doonka.

Xuska ayaa sanadkan la qabtay 9-ka May, maadaama maalinta 15-ka ah ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyay doorashada madaxweynenimada ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa dabaaldega uga qeybgalay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa ayaa xusay qiimaha ay dhalinyarada ku leeyihiin Xorriyadda iyo Qaranimada Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dhalinyarada maanta joogta in ay qaataan kaalintooda ku aadan sugida amniga, dib udhiska dalka iyo sidii waddanka looga saari lahaa Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here